Home WARARKA Mdaxwatne Farmaajo Oo Ku lug yeeshay Shaqo ka eryida Janaraalk Gabre

Mdaxwatne Farmaajo Oo Ku lug yeeshay Shaqo ka eryida Janaraalk Gabre

289
0

IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre, kaas oo ahaa Hogaamiyihii Ciidamada Itoobiya ee Sanadkii 2006 dalka soo galay.

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah shaqada looga eryay todobaadkaan Horaantiisii Korneyl Gabre oo ahaa la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Warqadan ku  Sumadaysneed IGAD, 25-ka June ayaa lagu sheegay in shaqada laga eryay
Gabre, oo Mudo dheer ka shaqeyn jirey dalka Soomaaliya in muddo ah.

Qoraalka shaqo ka eryida ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay heshiiskii shaqo ee Gabre kula jiray Urur Gobaleedka IGAD, oo ahaa La-Taliyaha Sare dhanka Siyaasadda uqaabilsa South Sudan Xoghayaha Guud ee Urur Gobaleedka IGAD,  Maxbuub Maalin.

Warqada ayaa sidoo kale waxaa ka muuqatay Luuqad adag oo ku suntan xil ka qaadista waxaana ku saxiixan Xoghaya IGAD Maxbuub Maalin, iyada oo lagu wargeliyay General Gabre inuu wareejiyo Xafiiska, iyo agabkii uu ku shaqeynayay, iyadoo lagu wargeliyay qoraalkan dhamaan qeybaha khuseeya go’aanka.

IGAD ma aysan sheegin sababta xilka qaadista, balse qof ka warhaya arrimaha ayaa Noo sheegay in go’aanka uu yimid kadib shirkii dhawaan ku dhex maray Madaxda IGAD, Magaalada Addis Ababa.

Warar ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Soomaaliya uu si adag uweeraray Gabre isla markaana uu soo jeediyay in IGAD wax ka qabato Fara galinta aan sharciga ahayn ee uu ku haayo Soomaaliya.

Korneyl Gabre horay usoo noqday isla shaqada laga eryay ee la talinta Arimaha Siyaasadda IGAD ee Soomaaliya wixii ka horeeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo bishii Febuary 8.

BBC-da ayaa sheegtay in Gabre oo ku sugnaa marka xilka laga qaadayey dalka South Sudan oo hawlo shaqo ka haayay, hase yeeshee isagoo shaqadaas rasmiga ah haya ayuu misna, sida ay BBC-da u xaqiijijyeen ilo kala duwan, wuxuu faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here