Home WARARKA Dowlada Fedaraalka oo Bilaabaysa Wadahada Somaliland

Dowlada Fedaraalka oo Bilaabaysa Wadahada Somaliland

169
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Somaliland.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Dowladda Fedaraalka  iyo Xukuumada Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada hadal ku yeeshaan Dalka Jabuuti lana dhameeyo mad madowga dhexdooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here