Home WARARKA Taliyaha Gorad oo amar culus ku soo saaray Ciidamada Cuno Qaadka

Taliyaha Gorad oo amar culus ku soo saaray Ciidamada Cuno Qaadka

193
0

Taliyaha ciidanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa ciidamada dowladda uga digay inay isticmaalaan waxyaabaha maanka dooriya.

Jen. Gorod ayaa sheegay in askarta ay mamnuuc ka tahay daraagiska, gaar ahaan Qaadka xilliyada ay waajibaadka qaran gudanayaan

“Dhamaan Ciidamada waa ka mamnuuc Qaadka, wixii Qaadka cuna ee Villa Somalia ku jira albaabka ayay ka baxayaan, Tuutaha iyo Qoriga ayaa laga reebayaa”ayuu yiri Taliye Gorod oo tilmaamay in aan la aqbali doonin askarta Qaadka cuna.

Hadalkan ayuu Taliyaha ka jeediyay tababar loo furay illaa boqol askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo casta.

Madaxdii hore ee dowladda Soomaaliya ayaa kala taliyay Ciidamada inay joojiyaan isticmaalka Qaadka, waxaana ciidamada lagu dhaliilaa in si aan anshax aheyn ay waddooyinka Qaad ugu cunaan, gaar ahaan xilliyada ay waajibaadka shaqo ku guda jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here