Home WARARKA Madaxwayne Farmaajo oo Isla Xalay Hambalyo Udiray Madaxwaynaha Dib loo doortay ee...

Madaxwayne Farmaajo oo Isla Xalay Hambalyo Udiray Madaxwaynaha Dib loo doortay ee Turkiga

152
0

Guushii Xooga lahayd ee Madaxweynaha haya talada dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo mar kale ku guuleystay xilka Madaxweynaha dalkaasi ayaa waxaa soo ifbaxayay Hambalyada iyo dhambaalada ka imaanaysa dunida inteda kale ee ku socda erdogan.

Maaxwaye Erdogan ayaa helay 52% Codadka in ka badan ka dib markii la tiriyay 99.2%, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu dalka Turkiga sii hoggaamiyo, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo Mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalkaasi.

sidoo kale waxaa Madaxwayne Erdogan Hambalyo udiray Hogaamiyayaal kale oo dunida ah. waxaana ka id ah Boqorka Dalka Qatar iyo madaxwaynaha Falastiin.

Taageerayaasha madaxweynaha dib loo doortay ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha hogaamiyahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here