Home WARARKA Ciidanka Xooga Dalka Oo Dagaal Ku Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa...

Ciidanka Xooga Dalka Oo Dagaal Ku Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab iyo magaciisa oo la shaaciyay

183
0

Ciidamada Xooga dalka ee Ku sugan Gobalka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ay la galeen Ururka Hubaysan ee Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay koomtoroolka degmada Qoryooley ayaa yimid ka dib markii Xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen koontroolka ay ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan.

Taliyaha Saldhigga Degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan(Cali Waal) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay khasaaro Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalkaas oo socday mudo ku dhow hal saac.

taliyaha ataa sheegay in ay Al-Shabaab ka dileyn Afar ruux oo uu ku jiro Abaandulihii hoggaaminayey Ciidamadii Al-Shabaab ee soo weeraray kaas oo uu Magaciisa ku sheegay Shabeellow sida uu hadalka u dhigay.

sidoo kale waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay in alshabaab ay la wareegeen degmada qoryooleey, asiga oo sheegay in ay ku sugan yihiin magaalada isla markaana aysan jirin cid kala wareegtay.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya sheegayshada taliyaha Degmada qoryooleey ee ah in dileen dagaalamayaal ka tirsan alshabaab, waxaana ilaa hada war ka soo bixin kooxda alshabaab oo weerar ku qaaday degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here