Home WARARKA SAWIRO: Codbixinta doorashooyinka Turkiga oo socda

SAWIRO: Codbixinta doorashooyinka Turkiga oo socda

179
0

Cod-bixiyeyaasha Turkiga ayaa saakay udareeray goobaha coddhiibashada, doorashooyinka baarlamaanka, madaxweynaha, ee dalka Turkiga.

Goobaha  Codbixinta ayaa la furay 8:00 AM Waqtiga maxaliga, iayaga oo furnaan doono ilaa shanta 5:00 p.m. Waqtiga Turkiga.

Muwaadiniinta Turkiga aha ee ka qayb qaadanaya ayaa maraya hubin aqoonsiyadooda ah ka hor inta aysan codka dhiiban, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayeey muwaadiniinta waxaa ay u safrayeen Magaalooyinka ay ka soo kala jeedaan si ay halaasi uga codeeyaan.

Goobaha doorashada waxaa ka mamnuuc ah in lala galo boorsooyin, Teleefoon ama kaamiro.

Siddeed xisbi siyaasadeed ayaa ka qaybgalaya doorashooyinka baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta (AK), Xisbiga shacabicga Jamhuuriga (CHP),  Xisbiga Dimuqraadiga Dadweynaha (HDP), Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka (MHP),  Xisbiga Bilaashka ah (Huda-Par), xisbiga cusub ee wanaaga (IYI), (Saadet) Party, iyo Xisbiga Waddaniga ah (Vatan).

Murashaxiinta Madaxtinimada

6 musharax ayaa u tartamaya madaxweynaha: Recep Tayyip Erdogan oo ah isbahaysiga (Isbahaysiga Dadka) oo ay sameeyeen Xisbiga AKP iyo MHP, Muharrem Ince oo isna matalaya xisbiga , CHP, Selahattin Demirtas Xisbiga HDP, Meral Aksener ee Xisbiga Wanaaga (IYI), Temel Karamollaoglu Xisbiga (Saadet), iyo Dogu Perincek ee Xisbiga Waddanka (Vatan).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here