Home WARARKA Axmed Madoobe Oo qaylo dhaan Culus ka soo saaray Qaraxii ka dhacay...

Axmed Madoobe Oo qaylo dhaan Culus ka soo saaray Qaraxii ka dhacay Adis-Ababa

195
0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa cambaareeyay Qaraxii lala eegtay Banaan baxayaal oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa kaas oo lagu taageerayay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

qaraxaan ayaa waxaa w\xyeelo kala duwan ka soo gaaray Boqolaal qof oo ku suganaa Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyada oo ay ugu yaraan ku geeriyoodeen 3 qof qarax.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u cambaareeyay qaraxa ka dhacay fagaaraha itoobiya, isaga oo Tacsi udiray eheladii iyo qaraabadii dadkii ay dhibty, waxa uuna ilmaamay in uu la qabsanayo Xanuunka iyo Tiiranyada kuwa halkaas ku waayay Saxiibadood iyo dadkii ay Jeclaayeen.

Ugu yaraan 100 qof ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo 3 ka mid ay markii dambe geeriyoodeen sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here