Home WARARKA Wararkii udanbeeyay : Doorashada Turkiga ka dhacaysa maalinka biri ah

Wararkii udanbeeyay : Doorashada Turkiga ka dhacaysa maalinka biri ah

1053
0

Istanbul- 23-06 2018: Doorashada Taariikhiga ah ee ka dhacaysa Dalka Turkiga maalinta Birito ah ee 24ka Jun 2018, Taas oo Xukuumada Turkiga ay uga guurayso nidaamkii hore ee Baarlamaaniga ah loona guurayo mida Madaxtinimada.

Madaxwaynha ku guulaysta Doorashadaan ayaa noqon doono mid awood badan, Lix murashax ayaa u taagan Doorashada oo ka kala socda ilix xisbi siyaasadeed. waxaa ugu caansan Xisbibga Talad haya Ak Parti, waxaa murashax u ah madaxwaynaha Talada haya Rejjep Tayyip Ordoğan, Sidoo kale waxaa uu murashax madaxwayne u yahay Xisbiga MHP oo ay isbahaysi samaysteen.

Xisbiyad Mucaaradaka waxaa ugu xoogan Xisbiga CHP ee mucaaradka ah, iyada oo sidoo kale dhamaan Xisbiyada Mucaaradka ah ay samaysteen isbahaysi ay ka dhan ah Ordogan iyo Xukunkiisa. Hase ahaatee ilaa hada wuxuu noqday Qofka ugu saamaynta Badan dhanka Ololaha doorashada.

Xubnaha Mucaaradka ah ee ololaha xoogan samaystay waxa ka mida, haweenayda xubinta ka ahayd Xisbiga MHP, balse iskhilaaf hogaanka ah xisbiga ah la xariirara darteed uga baxaday, ugu danbayna Samaysatay Xibiga WANAAG “IYI parti” Ololaheeda siyaasadeed waxaa ka mida in hadii ay ku guulaysato Xukunka turkiga in Qaxootiga Suuriyiinta ah ay dalka ka saari doonto.

Sida ay xeeldheerayaasha iyo hay`adaha Tirakoobka sameeya sheegayaa Doorashada ayaa ah mid adag iyada oo la saadaalinayo in Madaxwaynaha Talada haya iyo Xisbigiisa ay ku guulaystaan, waloow ay dhici karto in Ordogan lagu qasbo in uu galo wareeg labaad, hadii uusan helin Wareega koowaad codad dhan 50% kiiba wareega koowaad.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here