Home WARARKA Qarax ka dhacay Meel uu ka qudbeynayay Ra’isl Wasaaraha Itoobiya

Qarax ka dhacay Meel uu ka qudbeynayay Ra’isl Wasaaraha Itoobiya

148
0

Wararka ka imaanay Magaalada ADIS-Ababa ayaa sheegaya in uu ka dhacay Qarax meel Fagaaraha uu ka qudbaynayay Ra’isul wasaaraha dalkaas.

Fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, oo uu ka socday banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galayeen kumanaan ruux, oo taageero Umuujiyay is bedelada uu wado Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Qaraxa ayaa dhacay, kaddib markii uu Ra’iisul Wasaaraha uu khudbeeyay, waxaana durbadiida isku gedaamay Ra’iisul Wasaaraha Ciidamada qaaska ee waardiyeeya.

Warbaahinta Itoobiya ayaa soo sheegeysa inuu badqabo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana warar kala duwan uu ka soo baxayaa qaraxa iyo khasaaraha uu geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here