Home WARARKA Madaxwayne Erdogan oo Sharaxay Wax yaabaha ugu Muhiimsan nidaamka cusub ee Jamhuuriyada...

Madaxwayne Erdogan oo Sharaxay Wax yaabaha ugu Muhiimsan nidaamka cusub ee Jamhuuriyada Turkiga

1712
0

Istanbul- 23-06-2018: Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa faahfaahin ka bixiyay Khamiistii nidaamka cusub ee Doorashada biri ah ka dib uu dalka Turkiga kaas oo u guurayo Nidaam aan horay dalkaas looga aqoon, nidaamkaas ayaa waxaa ku jira isbaddallo badan, oo ay ka mid yihiin hoos u dhigidda tirada wasaaradaha laga dhigayo 16 wasaaradood halka ay hada ka yahiin 26 wasaaradood.

Erdogan ayaa Banaamij gaar ah oo kala qaybqaatay Talafeshinka Dowladda TRT Haber ku Faahfaahiyay Nidaamka cusub ee Turkiga u guurayo isaga oo sheegay in Hab xukunaakaan uu Awood siinayo turkiga kana dhigayo mid xoogan Awood ahaan Dhaqaale ahaan iyo Xukun ahaanba.

Wasaaradaha Qaar ayaa la midayn doonaa si ay tirade wasiirada hada u yaraadaan, Wasaaradaha Siyaasada Qoyska, Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa la midayn doonaa iyaga oo qaadan doono magaca ah Wasaaradda Shaqada, Adeegga Bulshada iyo Qoyska.  Intaa waxaa dheer, Wasaaraddaha Sayniska, Warshadaha iyo Tiknoolajiyada ayaa lagu dari doonaa Wasaaradda Horumarinta si ay u noqoto Wasaaradda Warshadaha iyo Teknolojiyada cusub , waxaana ka shaqayaydoontaa sidii Cilmiga iyo tiknoolajiyada sare turkigu guul uga gaari lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here