Home WARARKA Madaxwayne Farmaajo oo Magaalada Adis-abab Habeenkii 20 aad seexday

Madaxwayne Farmaajo oo Magaalada Adis-abab Habeenkii 20 aad seexday

156
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii Xa;lay ku hoyday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, si uu ugu qayb galo shirka deg-degga ah ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD, oo looga hadli doona xaaladda koofurta Suudaan.

Madaxwayne Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Shirka looga hadlayo xaaladda Suudaanta koofureed ayaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee Maanta furmo, iyadoo ay IGAD ka go’an tahay inay Labada dhinac ku dirqiyaan xal waara oo laga gaara colaadda daba dheeraatay ee ka taagan Suudaanta koofureed.

Ugu danbayn Safarka Madaxwaynaha ayaa laga keenay Su’aal ah imisa safar ayuu ku tagay Itoobiya, Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay February 2017-kii, Itoobiya tagayay 4tii bil-ba hal jeer, waana dalka uu ugu booqashada baan yahay Madaxwaynaha, asiga oo soo seexday 20 habeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here