Home WARARKA Lacagta Cusub ee la soo daabacayo oo ka kooban Afar qayb

Lacagta Cusub ee la soo daabacayo oo ka kooban Afar qayb

65
0

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Dalka Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka la daabaci dono wakhti dhaw.

Gudoomiyaha Bankiga Bashiir Ciise Cali ayaa ka warbixiyay Lacagta cusub ee daabacayo ayaa sheegay ugu horayn in ay ka kooban tahay Afar qaybood oo muhiim ah sida 1,000shilin iyo 2,000kun, 5.000 iyo 10000, oo shlin soomaali ah.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kala ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee la soo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa tilmaamay in lacagta ay aad umiih ugu tahay dalka lagana bixi doono lacagta Faalsada ah ee dalka Cuuryaamisay maadaama mida cusub ay adag tahay in la soo daabaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here