Home WARARKA Haweenaydii ugu horeeysay oo Sarkaal ah oo caawa loo magacaabay Taliye degmo

Haweenaydii ugu horeeysay oo Sarkaal ah oo caawa loo magacaabay Taliye degmo

95
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed  ayaa Magacaabay Gabadhii ugu horeeysay ee Taliya Ka noqota Mid ka mid ah saldhigayada booliska ee heer degmo ka dib markii Taliyayaasha qaar isku shaandhayn lagu sameeyay halka qaar kalane la badalay.

Taliyaha Boliska Degmada Shingaani ayaa waxaa loo magacaabay sarkaal haween ah oo lagu magacaabo Raxma Salaad taasoo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay ruux dumar ah taliye saldhig noqoto.

Magacyada Taliyayaasha cusub iyo degmooyinka loo kala magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Taliyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xabad.

2.Taliyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Raxma Salaad.

3.Taliyaha cusub ee degmada Shibis ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir.

4.Taliyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani.

5.Taliyaha cusub ee degmada kaaraan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda.

6.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Jimcaale.

7.Taliyaha Booliska degmada C/casiis ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Axmed Baashane.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Taliyeyaashan cusub ee loo magacaabay qaar ka tirsan saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaradii wax baratay ee ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here