Home WARARKA Ra’isul Wasaare Khayre oo sheegay in aanu Tahriibka Danbi ahayn isaga oo...

Ra’isul Wasaare Khayre oo sheegay in aanu Tahriibka Danbi ahayn isaga oo Amaan kala dul dhacay Norway

134
0

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qayb galaya Shirka Oslo Forum ka sheegay in aanu tahriibka danbi iyo daciifnimo toona ahayn.

“Tahriibku ma ahan dambi ama daciifnimo , aniguna waxaan ahay tusaalaha nool maadaama ay 30-sano ka hor Norwegian-ka niyad wanaag igu soo dhaweeyeen”

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Tahriibku uusan dambi aheyn, loona baahanyahay in si wadajir ah looga qeybqaato xal u helista arrimaha socdaalka, waxa uu tilmaamay in isagu uu yahay tusaalaha nool maadaama uu muddo 30-sano ka hor ay niyad wanagsan kusoo dhaweeyeen dadka Norwegian-ka ah waxa uu farta ku fiiqay inuusan maanta soo garab istaagi laheyn madasha hadduusan heli laheyn fursadaas iyo qalbi wanaagga uu ka helay Norway 30-sano ka hor.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in Tahriibka si looga kaaftoomo loo baahanyahay in xal Guud laga gaaro arrimaha keenaya oo masuuliyad wadareed looga baahanyahay dowladaha iyo UN ka ee difaaca siinaya dadka soo gelootiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here