Home WARARKA Ciidamaa Kenya iyo Itoobiya ee ka tirsan Amisom Oo Diiday in ay...

Ciidamaa Kenya iyo Itoobiya ee ka tirsan Amisom Oo Diiday in ay ka qayb qaataan Howlgalo Muhiim ah

531
0

Ciidamada Kenya ee Ka tirsan Howlgalka AMISOM ayaa diiday in ay ka qayb qaataan Dagaal ka dhan ah Alshabaab oo Abaabulkiisa si xoogan uga Socdo Jubbaland.

Saraakiisha Hogaminaysa ciidamada AMISOM ka jooga Jubbland ee Kenya Iyo Itoobiya ayaa ka biyo diiday in ay ka qeyb galaan howlgalo ay bilaabayaan Ciidanka Milatariga iyo kuwa Jubbaland.

Duleedkeeda Magaalada Kismaanyo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya, waxa ayna ciidankaasi la wareegeen deegaano horey Shabaab u Joogeen.

Taliye kuxigeenka Hoggaanka ciidanka daraawiishta Jubbaland Salmaan Axmed Bashiir ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya u diyaar garoobeen howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka maamulaan Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here