Home WARARKA Buurmadow Oo Soo dhaweeyay Cafiska uu Ufidiyay Madaxwayne Muuse Biixi

Buurmadow Oo Soo dhaweeyay Cafiska uu Ufidiyay Madaxwayne Muuse Biixi

220
0

Wararka ka imanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Somaliland ay Xabsiga k sii daysay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed oo loo yaqaanBoqor Buurmadaw kaas oo kamid ah Waxgaradka ugu caansan deegaanada Somaliland. kadib cafis la sheegay in uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Boqor Buurmadaw oo ku xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa  ku dhawaad laba ayaa maanta laga sii daayay, waxaana Boqorka horey Maxkamada Hargeysa ugu riday sadex sano oo xabsi ah.

Buurmadow ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dib u helo xuriyadiisa, waxa uuna cadeeyay in hada xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here