Home WARARKA Somaliland oo War Cad Ka soo saartay Heshiiska Abye Ahmed iyo Madaxwayne...

Somaliland oo War Cad Ka soo saartay Heshiiska Abye Ahmed iyo Madaxwayne Farmaajo

193
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiska ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya aanu qusayn Somaliland.

Wuxuu sheegay heshiiskaasi tilmaamay haba yaraatee aanu wax saameyn ku yeelan doonin Somaliland, waxa uuna Cadeeyay in aanu wax Isbede ah ku keenayn heshiiskii ay horey u wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

“Laba wadan oo aan jaar nahay ayaa heshiis wada galay, xaq ayay u leeyihiin in ay ka hadlaan wixii danahooda ah, laakiin wixii quseeya Somaliland annaga cid aan aheyn go’aan kama gaari karto.”Ayuu yiri Wasiir Sacad.

Sidoo kale Wuxa uu sheegay heshiisyada ay wada galeen Soomaaliya iyo Itoobiya in aysan quseyn dekedaha ku yaalla Somaliland oo sheegtay in ay soomaaliya ka Go’day 30 sano ka hor.

“Dekedaha Somaliland oo ay ka mid tahay mida Berbera ma quseeyaan Farmaajo, ma jiraan wax nagu kalifaya inaan Itoobiya wax ka weydiino heshiiska ay galeen, waxaan mar walba diyaar u nahay inaan difaacano dhulkeena.” Ayuu mar kale yiri Wasiir Sacad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here