Home WARARKA Sadex ka Mid ah Masuuliyiinta Ugu Saraysa Dalka oo loo diideen in...

Sadex ka Mid ah Masuuliyiinta Ugu Saraysa Dalka oo loo diideen in ay galaan garoonka Diyaaradaha

117
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta loo diidayij ay Gudaha ugalaan garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

ugu horayn Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Kolonyo uu la socday ayaa saacado lagu xayiray mid ka mid ah irdaha laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyada oo ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha ayaa saakay barqadii ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha, waxa uuna ku sii jeeday magaalada Nairobi, waasa loo diiday Kolonyadiisa in ay ka gudbaan Iridi Garoonka, waxaana qayb ka ahaa, Xildhibaano sagootinayay.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in aanay ogolaansho u heysan in Kolonyada Guddoomiyaha Aqalka sare oo ay wehliyeen Ilaaladiisa ay gudaha u galaan Garoonka, waxaana taasi keentay is maandhaaf iyo muran dhex maray labada dhinac.

Is maandhaafka ka dhashay xayiraada Guddoomiyaha ayaa waxaa soo farageliyay Taliska Booliska iyo Mas’uuliyiin, waxaana markii dambe la fasaxay gaadiidkii uu saarnaa Guddoomiyaha kaliya, halka kuwa kalena la celiyay.

Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa loo diiday inuu gudaha galo kana dhoofo garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa Saacaddo badan lagu xanibay garoonka Aadan Cadde isaga Oo Markii danbe ka dhoofay Halka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shgacabka Mahad Cabdala Cawad la sheegay inuu ka baaqday Safarkii uu bixi lahaa ka dib markii loo diiday inuu garoonka galo, isagoo dib ugu laabtay hoygiisa.

AMISOM ayaa la sheegay inay ku andacootay inay ogolaansho u heysataan kaliya Kolonyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay geli karaan garoonka, iyagoo aan la baarin, maadaama amnigooda ay qeyb ka yihiin Ciidamo AMISOM.

Golaha Aqalka Sare ayaa kulan degdeg ah oo arrintaas la xiriirta yeeshay ayaa Cambaareeyay xayiraada Guddoomiyaha, waxay ka dalbadeen jin taliska uu ka bixiyo Jawaab degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here