Home WARARKA Muxuu ka yiri Madaxwayne Farmaajo Heshiiska Dekadaha ee Itoobiya Iyo Soomaaliya Akhriso...

Muxuu ka yiri Madaxwayne Farmaajo Heshiiska Dekadaha ee Itoobiya Iyo Soomaaliya Akhriso Nuxurka

223
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Dowlada ayaa ka warbixiyey qodobo badan oo quseeya Dalka sida wax yaabihii usoo qabsoomay dowlada mudada sanad iyo barka ah ee dowlada jirto xiriirka ka dhaxeeyo laamaha dowladda iyo arrimaha ay muhiimka tahay in loo iftiimiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan heshiiskii dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaasheegay in ay lama taabtaan tahay Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada dalka, isaga oo ku nuux nuuxsaday heshiis kasta oo ay dowlaa galayso uu ku salaysnaado soo celinta magaca dalka.

Mar wax laga weydiiyey heshiiska ay qaylo dhaanta ka keenay Mucaaradka ayaa tilmaamay in uu ahaa mid Xalaal ah oo aan dalka wax dhibaato ah kala kulmin taa badal keeda ay hormar sameeyeen.

”Inta badan Madaxda Adduunka markii aan hor fariisanno waxaan kala hadli jirnay Amni oo kaliya, balse booqashadaan uu Soomaaliya noogu yimid Dr.Abiya  waxa uu ahaa mid ku saabsan kor u qaadista xiriirka labada dal, iyadoona lagu saleynayo iskaashi, wax wada qabsi iyo isixtiraam. Dalkastana uu ixtiraamayo madaxbannaanida, jiritaanka iyo qarannimada dalka kale.”

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa sidoo kale Cadeeyay in aanay jirin cid la siiyay Dekedaha la sheegay in la maal galinayo, isla markaana Dekadaha ku yaalaan Soomaaliya.

“Dekad cid la siiyay malaha, dekadaha Soomaaliya ayay ku yaalaan, dhaqaalahaas Soomaaliya iyo Itoobiya ma lahan waxay ka imaan karaan Afrika, Asia, Yurub iyo ganacsatada Soomaaliyeed, arrintan waxay mareysaa sharci, waxaana la horgeynayaa Baarlamaanka, aragtida dowladda waxay tahay sidii Soomaaliya looga saari lahaa faqriga”ayuu yiri.

Madaxwanaha ayaa sheegay in heshiiskan mira dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed dalka uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan.

“Waxaan aaminsanahay in aan soo gaarnay heer aan kala hadli karno dalalka kale, gaar ahaan kuwa dariska ah isu socodka xorta ah ee dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaan aaminsannahay in ay guul tahay in nala kala xaajoodo arrimahan iyadoona dowladuhu ay aaminsanyihiin in Soomaaliya soo kabsatay, lagu kalsoonaan karo lagalana xaajoon karo horumarka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here