Home WARARKA Madaxwaynaha Hirshabelle Oo War ka soo saaray heshiiska Murunka Badan ee Itoobiya...

Madaxwaynaha Hirshabelle Oo War ka soo saaray heshiiska Murunka Badan ee Itoobiya lala galay

184
0

Hogaamiyaha Maamuylka Hirshabelle Max’ed Cabdi Waare Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey heshiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in heshiiskaas uu Hirshabeelle u yahay dano aad u weyn iyo horumar mustaqbalka, maadaama ay xuduud la leeyihiin Itoobiya.

“Annaga Hirshabeelle haddaan nahay aad ayaa u soo dhoweyneynaa in xuduud ayaa ku xignaa, in la furo Kastamka Feer Feer meeshaas ay noqoto meel laga ganacsado intii xero milateri ku ooli laheyd, maalintii ay isu gudbaan boqol baabuur, dadka is dhex maro, dadka ka yimaada Mustaxiil ay yimaadaan Beledweyn, Godey iyo Beledweyn la isu maro, jidadka la sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waxa uu soo hadal qaaday qodob ka mid ah heshiiska oo ahaa maalgashiga dowladda Itoobiya ee afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dekada ugu horreysa ay noqon doonto mid laga dhisayo degmada Cadale taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo la qaaday.

“Waxaa aaminsanahay in Dekeda Cadale laga dhisayo ay noqoto afarta dekeda ugu horeysa, Dekedaas ay noqoto deked Lojisticik, in jid laga bixiyo, Jid Tareen laga bixiyo, anaga Hirshabeelle ahaan waxa anoo muuqda horumar weyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin dekadaha Itoobiya ayla maal gashanayso Dowlada Itoobiya, balsa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xusay in ay go’aan ay gaari doonto Dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here