Home WARARKA Maamulka Gobalka Banaadir Oo Bur burin klu bilabay Dhismayaal ku yaal Garoonka...

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Bur burin klu bilabay Dhismayaal ku yaal Garoonka Jeenyo SAWIRRO

175
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay Buburin uu sheegay maalmo ka hor in lagu samayn doono Guryo ku yaala Barxada Kunada Cagta ee Jeenyo, kuna tiil degmada Yaaqshiid oo ka mid ahaa goobaha danta guud.

Waaxda Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaana bilowday burburinta dhismayaasha sharci darada, taasoo aheyd amar uu dhowaan soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo ahaa.

Gawaarida cagaf cagafta ayaa burburiyay dhismayaal laga hirgeliyay garoonkaas, waxaana howsha burburinta la filayaa in maanta lagu soo gabagabeeyo.

Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud C/fataax Xalane ayaa sheegay in 80% ay burburiyeen dhismayaasha sharci darada ee laga hirgeliyay garoonka, isla markaana dib loo howl gelin doono Garoonka Jeenyo ee lagu ciyaari jiray Kubadda Cagta..

“Ninkii Danta guud daqligiisa geliya dudumin ayaa u dambeysa”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Waxaa sii xoogaysanayay sanadihii ugu dambeeyay Hantida danta Guud ee lagu qaatay sida sharc darada ah iyada oo dad gaar ah loo hibeeyay waxaana jira Xarumo fara badan oo dan guud ah oo ka maqan Gacanta Dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here