Home WARARKA Hogaamiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda Oo Taageeray Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Hogaamiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda Oo Taageeray Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

123
0

Hogaamiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda Salaad Cali Jeelle ayaa oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa taageeray heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya galeen ee ku saabsanaa Maalgashiga afar dekadood oo Itoobiya maalgashaneyso.

“Heshiiskaas waa guul u soo hoyatay Soomaaliya, oo loo baahan yahay in dowladda lagu dhiira geliyo”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda ayaa ku eedeyay dad ka soo horjeeda dowlada in ay si khaldan fasireen Heshiiska,kuwaas oo uu ku sheegay kuwa doonaya in ay shacabka Soomaaliyeed marin habaabiyay.

“Dad waxaa jira oo qeylinaya oo inay dadka marin habaabiyaan raba, fasiraad qaldan siinaya shacabka iyo caalamka, waajibaadka dowladnimada waxaa looga baahan yahay in qofkii umadda dhibaato ku ah la ifiyo oo farta lagu fiiqo”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta taageersan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalalka deriska nabad lagu wada noolaado, waa mid guul u soo hoyatay waa mid loo baahan yahay in dowladda lagu dhiira geliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here