Home WARARKA Ergo ka socota Dowlada Soomaaliya oo gaaray Maxkamada Caalamiga ee ICJ

Ergo ka socota Dowlada Soomaaliya oo gaaray Maxkamada Caalamiga ee ICJ

134
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, iyo ergo ka kooban qareeno iyo diblumaasiyiin ayaa gaaray Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague.

Ergadan ayaa waxaa ka mid ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo DanjiMraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi, waxana ay uu gudbinayaan jawaabta gal dacwadeedka muran badda ee Soomaaliya iyo Kenya Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

Maxkamadda ICJ ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay go’aamisay  inay qaadi doonto Muranka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa Maxkamada ku sugan ergo ka socota dowlada Kenya oo iyaguna gudbinaya Gal Dacwadeedkooda.

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed  lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

Gudbinta Gal-dacwadeedka ayaa ku soo beegantay xilli dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here