Home WARARKA Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Oo shegay in Jabhadaha Dagaalka kula Jira dalkaas ay...

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Oo shegay in Jabhadaha Dagaalka kula Jira dalkaas ay yihiin Xaq Udirir

179
0

Raisal Wasaaraha Dhawaan galka ah ee Dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay Jabhadaha dagaalka kala soo horjeeda alkiisa ee Oromada iyo Axmaarada, isaga oo sidoo kale baaqaan oo kale udiray Jabhada Soomaalida ah, asiga oo sheegay in dadkaas ay yihiin dad xaqoodu maqanyahay oo dadaal ugu jira sida ay ku heli lahaayeen.

Jabhada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ayaa ah kuwa ugu tunka wayn Wkhti Xadirkaan daka dagaalka kala soo horjeeda Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay in inay dalka dib ugu soo laabtaan sidoo kale xaqooda ku raadsadaan si Nabad ah.

Gudoomiyaha Jabhada OLF Da’ud Ibsa. Gudoomiyaha Jabhada Ginbot 7 Burhanu Nega. Gudoomiyaha Hogaanka Warfaafinta ONLF Hassan Moalin

Abaye Ahmed ayaa Sheegay in dagaalka lagu qasbay Jabhadahan dagaalamaya isla markaana xaqoodii la duud siyay, waxa uuna cadeeyay inay yihiin dad xaqku dirir ah.

3 dan jabhadood ee ugu waawayn Mucaaradka Itoobiya ayaa ka siman la dagaalan gumaysiga iyo dulmiga sido kale na waxaa ka dhaxeeyo heshiisyo ka dhan ah taliska Itoobiya.

Jabhada ONLF oo ah tan Soomaalida lana aas aasay xili hore ayaa waxay dagaal wakhti badan qaatay la gashay itoobiya kaas oo ay kaga baxeen kumaan dad ah.

Jabhada ayaa la sheegay in kaliya ay hal caqabad oo  ug leh haysato waana iyada oo loo dhamayn taas oo wakhtiga ku dheeraysay sanando badane sababtay in ay Guulaysan waydo.

Wali ma jiraan wax wara oo kasoo baxay dhanka Jabhadahan oo ku Saabsan hadalka ka soo yeeray Abaye Ahmed ra’isal wasaaraha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here