Home WARARKA Xukuumada Soomaaliya Oo Wax kama jiraan Ku tilmaamtay Hadal ka soo yeeray...

Xukuumada Soomaaliya Oo Wax kama jiraan Ku tilmaamtay Hadal ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

157
0

Xukuumada Soomaaliya ayaa beenisay hadalkii uu maali ka hor sheegay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ahaa in Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen in Mustaqblka dhaw noqdaan hal dowlad.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa tilmaamay in Heshiiska labada dowladood ku gaareen Muqdisho uu ahaa heshiis mudo dheer soo socday, waxa uuna cadeeyay qodobada lagu heshiiyay in uu ku cadaa Shirkii Jara’id ay qabteen Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy.

‘’ Waxaa wada hadlay laba dal oo kala madax banaan, heshiiska la gaaray waxa uu ahaa mid mudo dheer soo socday, waxaa laga wada hadlay xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo xoojinta xiriirka dhaqaale’’ Ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ka saaray warka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, uu sheegay in Madaxda dalka ay yihiin Wadaniyiin aysan ka suurtoobin in ay gor gortan ka galaan Madax banaanida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here