Home WARARKA Wariye Xeeldheere Arimaha Soomaaliya ah oo Tilmaamay Cida ka Run Sheegtay Abiy...

Wariye Xeeldheere Arimaha Soomaaliya ah oo Tilmaamay Cida ka Run Sheegtay Abiy Ahmed Iyo Wasiir Geelle Heshiiska Qarsoodi ahaa?!

352
0

Tan iyo markii la akhriyay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee 4-ta dekad, waxaa kala hadlay Adis Ababa iyo Muqdisho, taas oo shaki badan sii-gelisay umadda Soomaaliyeed, ra’isul wasaare Abiy waxaa uu dadkiisa u sheegay in hal dal la noqon-doonno halka dowladda Soomaaliya ay inkirtay, waxaase xaqiiq ah in midkood been-sheegay!!

Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle waxaa uu maanta la hadlay BBC Somali, saacado kadib waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, intaba waxaa uu ku guul-dareystay inuu soo bandhigo qodobada heshiiska, qanciyo shacabka, sheego xaqiiqda…ka meer-meeristiisana su’aalo badan ayaa ka dhahay ee adiga isbar-bar dhig hadallada labada dhinac oo go’aan gaar!

Midnimada Labada Dal:

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Telefishinka qarankiisa la hadlayey waxaa uu yiri “Wada hadallada na-dhexmaray, waxaan ku heshiinnay arrimo rajo badan na geliyay sida inaan si KMG ah isaga kaashanno dhaqaalaha, mustaqbalkana aan shacabkeenna mideyno, oo aan noqonno hal dal oo dhameystiran, waa in wadamada geeska Afrika haddii ay suuro-gal tahay ay noqdaan hal dal oo mideysan Sida Dubai, Mareykanka ama Yurubba”.

Daahir Geelle wasiirka warfaafinta oo BBC Somali arrintan wax ka weydiiyay waxaa uu yiri “Waxaan kuu sheegi karaa inaan ka wada hadalnay, uu ku soo baxay bayaankii ugu dambeeyay waxaa uu ahaa labo dal oo daris ah, oo kala madaxbannaan in ay wada hadleen, oo laga wada hadlay sidii loo sii-xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed…hade ra’isul wasaare Itoobiya waxaa uu ku hadlay waa wax dalkiisa khuseeyo”

Itoobiya: Dekad La’aan Dhib Ayey Nagu Tahay

Ra’isul wasaare Abiy oo sii hadlayey waxaa uu yiri “Soomaaliya waa dal Juqoraafi ahaan ku yaal meel muhiim ah, laakin biyaha badda ee intaas la eg ee Soomaaliya ku wareegsan waxaa ay noqdeen kuwoo maalintii aan lagu arkin hal markab, ma aha biyo la cabi karo ama wax lagu beeran karo, marka in aan dhahno dekad la’aan ayaa nahay dhibaato ayey nagu tahay, mustaqbalba fog marka la eeganaya dhibaato ayey nagu yeelaneysaa”.

Daahir Geelle waxaa uu isna leeyahay “Dadka shakiga galaayo waxaan ugu jawaabi lahaa, haddii adiga madaxweyne ama ra’isul wasaare ka tahay gobannimada Soomaaliya ma dhiibi laheyd, jawaabtu waa maya, dadka siyaasiyiinta ah oo dalka Soomaaliya hoggaaminaya adiga kaama wadaniyad yaro, aqoon iyo garaad ay ku gartaanna waa ay leeyihiin, marka Soomaaliya dowladan sidii ay ugu timid inay ka hormariso mooyee hoos ugama dhigeyso, gobannimadeenna iyo madax-bannaanidednana waa lama taabtaan, dalkeenna iyo dekadaheenna cid la siiyay ma jirto, laaskin iskaashi dhaqaale oo dowlad kasta haddii ay timaado aan la yeelan laheyn ayaa meesha ka dhacaya, oo maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto”.

Aniga oo og in heshiiskan la hor geyn-doonno baarlamaanka federaalka ah ayaan la hadlay Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, qaar waa ay ka gaabsadeen, qaarna waaba soo dhoweeyeen! Ugu dambeyntii, haddii aad ra’yigeyga i weydiiso, aniga waxaan qabaa in xabashidu ay run sheegeyso!

By: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here