Home WARARKA Sadex Wiil Oo walaalo ah oo Caawa Mar qura lagu dilay Muqdisho

Sadex Wiil Oo walaalo ah oo Caawa Mar qura lagu dilay Muqdisho

196
0

War Naxdin leh ayaa laga soo sheegayaa degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ka dib markii Caawa lagu dilay degmadaas Sadex wiil oo walaalo ah.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa dilay Laba wiil oo walaalo ah iyo midka kale oo ay ilmo adeer ahaayeen, ninka dilka geystay ayaana qaraabo la ahaa wiilsha uu dilay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaa in Askariga wax dilay ay ilmo adeero ahaayeen wiilasha uu dilay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in sababta uu udhacay dilkaan uu salka ku haayo muran  Xaga dhul ah oo u dhaxeeya qoyska.

Meydka wiilasha la dilay ayaa Caawa la geeyay Xarunta Dambi baarista Ciidamada Booliska ee CID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here