Home WARARKA Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Oo Markii uu ku labtay Dalkiisa Soomaalida Ku tilmaamay...

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Oo Markii uu ku labtay Dalkiisa Soomaalida Ku tilmaamay Jaahiliin

503
0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bixiyay waraysi Xasaasiyad ka abuuray Goobaha Soomaalia ku kulanto ee ku yaala gudaha iyo dibada.

Abaye Ahmed ayaa sheegay dalkiisa markii uu ku laabatay qorshahiisa ju aadan sidii ay Umidoobi lahaayeen shucuubta Geeska Afrika oo ay u noqon lahaayeen hal dal.

“Booqashadii maalinta badhkeeda ahayd ee aan ku tagay Muqdisho, waxaan kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Afhayeenka, iyo dhammaan Golaha Wasiirrada, kulankaas oo ku saabsanaa wadahadal iyo xidhiidhka labada dal” ayuu yiri raisul wasaaraha.

”Sidoo kale, waxaan ka wada hadalnay sidii aan u samayn lahayn isdhexgal dhaqaale ugu dambayntana aan u midoobi lahayn. Soomaaliya waxay leedahay dekado badan dekadahaasna hal markab kuma isticmaasho innaguna waxaan nahay dal aan dekad lahayn” ayuu yiri abiy Ahmed.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Xaga Aqoonta ee dalkiisa iyo kuwa Soomaalida asiga oo ku fanay in yihiin dad ka aqoon badan kuwa soomaaliya Asiga oo Tusaale usoo qaatay Ka faaiidesi la;aanta Dekadaha.

”Tusaale nin wax bartay oo aysan aqoontii wax u tarin iyo nin aan wax baran waa isku mid. Iyagu dekadihii ayey leeyihiin mana ka faa’iideystaan, innaguna dekad la’aan ayaynu nahay marka ma aha inaan halkan joogno ee waa inaan sida Mareykanka ama EU dalka Imaaraatka oo kale mid noqonaa. Dadka Bariga Afrika waa badhka dadka Mareykan. Halka ugu dambaysa oo aan higsanayno waa sidii Bariga Afrika ku noqon lahaa hal dal.” ayuu yidhi Abiy Axmed.

“Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda in hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha” ayuu sidoo kale yiri raisul wasaaraha Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa si weyn looga hadal hayaa Goobaha Bulshada iyada oo dadka qaar si xoogan Carada Ugu muuqato.

Ugu danbayn Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaan wax war ah ka soo saarin hadalka Ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Marka laga reebo Hadaldii Engllish ahaa ee ay keediyeen labada Hogaamiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here