Home WARARKA Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Weerar ku qaaday Imaaraatka Carabta kuna sheegay Kuwa...

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Weerar ku qaaday Imaaraatka Carabta kuna sheegay Kuwa Maseersan

101
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow oo ka hadlay Xaflad uu mamulkiisa soo qaban qaabiyay oo lafgu soo bandhigayay Kalinta Turkiga iyo sida ay dadwaynaha Soomaaliyeed ujecel yihiin ayaa weerar ku qaaday Danjiriyaal fara badan oo dalka ka howlgala.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dowlado ayna daacad ka ahayn wax tarida Dalka balsa ka masayrsan Dowlada Turkiga oo soomaaliya timid Xili loo baahnaa isla markaana Tusisay indhaha Caalamka oo dhan dalka.

sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Weerar ku qaaday Danjirayaasha Reer galbeedka ee isku aruursaday Xerada Xalane kuwaas oo aan soo dhaafin xeradaas.

“Waxaa jira diblumaasiyiin ka maseersan turkiga oo yimid Somaliya aaminsana in dalka uu yahay nabad balse weli waxa ay soo  dhaafi la’yihiin xerada Xalane ee Magalada Muqdisho ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Hadalka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa umuuqda mid si toos ah loogu weeraryo Dowlaaha qaska ka wada Soomaaliya Gaar ahaan Imaaraatka oo soomaaliya soo gashay wixii ka dambeeyay 2011 kii markii dalka soo galay Madaxwaynaha Dalka Turkiga EWrdogan, waxaa kale oo asne meesha kamarneen in uu si toos ah weerar ugu qaaday Safiirada Galbeedka ee aan soo dhaafin Xerada Xalane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here