Home WARARKA Goorma ayay soo bilaabatay fikradda mideynta Somalia iyo Itobiya?

Goorma ayay soo bilaabatay fikradda mideynta Somalia iyo Itobiya?

971
0

Dhanka Soomaaliya waxaa muddo dheer soo jirtay fikradda mideynta shanta Soomaaliyeed oo kala ah Koonfurta, Waqooyiga, Jabuuti, Ogaden, iyo NFD.

Jabuuti waxay noqotay dal gaar ah, Ogaden waxaa lagu darey Itoobiya, NFD-na Kenya, halka labadii soo hartay ay Waqooyiga noqdeen jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaani.

Dagaalkii 1977-kii

Balse dhanka Itoobiya laga soo bilaabo xilligii boqor Haile Selassie, waxa ay doonayeen in dhulka Soomaalida la hoos geeyo xukunka Itoobiya, iyada oo qeyb ka mid ah dhul weynihii Soomaaliya uu Ingiriiska ku wareejiyay Itoobiya sanadihii 1950-naadkii.

Kadib hadalkii shalay kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal laga dhigo ‘hal dal’, ayuu Prof Maxamed Ismaaciil Samatar oo ah falanqeeye siyaasadeed yiri “Waa fiicnaan lahay in dalalka Afrika isku yimaadaan oo ay noqdaan sidii Yurub oo kale, balse Itoobiya waxa ay rabtaa dhulal maxmiyad ay ku maamusho sidii Bantustanadii Koonfur Afrika”.

Muranka dhuleed ee u dhaxeeya labada dal waa uu sii xoogeystay, wuxuuna gaaray heer ay dagaal dhexmaraan horraantii 1960-naadkii.

Balse marka lasoo gaaray 1977-dii ayuu labada dal dhexmaray dagaalkii ugu weynaa inta taariikhda la xusuusto, iyada oo ciidamada Soomaalida ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka, islamarkaasna qabsadeen dhulka Ogaden 90% wax ka badan.

Balse xulufadii Soofiyaadka ee uu Ruushka hoggaaminayay, kana mid ahaayeen ciidamo ka socday Cuba, Yemen iyo Liibiya ayaa dhabarjabin ku sameeyay Soomaaliya, kuna qasbay in ay kasoo baxdo dhulkii ay qabsatay.

Dagaalkaas waxa uu labada bulsho dhex dhigay caddaawad aad u tiro badan, taas oo illaa maanta oo 40 sano laga soo wareegay dagaalkaas.

Ra’isulwasaare Abiy Axmed oo taas tusaale usoo qaadanaya ayaa yiri “Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay”

Balse arrinta intaas waa ay ka xeeldheertahay, waxayna muhiimadda Itoobiya ka leedahay Soomaaliya aad usii korortay 1993-dii ay Eritrea ka go’dey Itoobiya, taas oo dalkaas gabi ahaanba ka dhigtay mid aanan lahayn bad, waxaana aad u kordhay baahida ay Itoobiya u qabto deked ay kala soo degto badeecadaha, waxna ka dhoofsato.

Heshiiska Dekedaha

Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta labaad ee Afrika ugu dheer, iyo dhawr dekedood oo ku teedsan laga soo bilaabo badda cas oo Berbera ah illaa ciribka koonfureed oo Kismaayo ah.

Itoobiya waxa ay muddo dheer isticmaalaysay dekeda Berbera, balse sanadkii hore ayay wax kasta is badaleen kadib markii ay Itoobiya saami 19% ka heshay dekada Berbera kadib markii maamulka Somaliland ay heshiis la galeen shirkadda DP World, taas oo saamiga kasii iibisay Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay heshiiskaas, balse markii uu todobaadkan Muqdisho tagay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kula heshiiyay in Itoobiya ay maalgashi ku samayso 4 dekedood oo Soomaaliya ku yaala, taasna waxa ay soo afjartay hubanti la’aantii ku hareereysneyd waxyaabaha labada dal ay heshiiska ku yihiin ee la taaban karo.

Ra’isulwaasaraha Itoobiya oo murti galinayay xikmadda ka dambeysa in dalkiisa uu isticmaalo xeebaha Soomaaliya ayaa yiri “Soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa u muuqday in uu ka garaabayo hadalka Dr Abiy ee biyaha ku saabsan, wuxuuna xusay in biyaha macaan ee Soomaaliya laga isticmaalo, gaar ahaan wabiyada ay ka yimaadaan Itoobiya, ayna tahay in labada dal ay wax badan is weeydaarsadaan.

Balse wasiirka waxa uu meesha ka saaray in labada dowladood ay ku wada heshiiyeen in ay noqdaan ‘hal dal’ sida uu shalay wareysi ku sheegay Ra’isulwasaare Abiy.

Oraahdii Xuseen Caydiid iyo Meles Zanawi

Oraahda ah in labada dal ay noqonayaan ‘hal dal’ ma ahan mid cusub, horey ayayna caro weyn uga dhalatay markii ra’isulwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ahaana wasiirkii arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid uu sheegay in xudduudaha labada dal la’isku furayo, hal baasaboorna ay wadayeelanayaan.

Waxay arrintan xaqiiqo u dhawaatay markii ciidamada Itoobiya ay galeen magaalada Muqdisho sanadkii 2007-dii markii ugu horeysay taariikhda, balse lagala hor yimid wax iska caabbin hubeysan, illaa markii dambe ay isaga baxaan magaalada sanado kadib.

Ra’isulwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zanawi oo Muqdisho tagay sanadkii 2008-dii, ayaa odayaal uu la kulmay u sheegay in labada dal aysan kala maarmin, wiilasha geesiyaalka ahna aysan isaga dhamaynin dagaal ujeedo la’aan ah maadaamaa ay Afrika u baahantahay, sida aan ka xigtay qof lagu kalsoonyahay oo kulankaas joogay.

 

Dr abiy, isaga waxa uu madaxda ugu saraysa dowladda Soomaaliya la saxiixday heshiis dhaqaale ahaan lagu mideynayo labada dal, waxyaabo aad u bandanna lagu wadaagayo sida ku cad war murtiyeed kasoo baxay shir ay yeesheen madaxda.

Balse hadalkii uu yiri Dr Abiy markii uu ku laabtay Addis Ababa ee ahaa in labada dal mustaqbalka laga dhigayo ‘ hal dal’ ayaa ahaa mid dad badan ka yaabiyay, dowladda Soomaaliyana ay ku qasbanaatay in ay ka jawaabto.

Daahir Maxamuud Geelle oo ah wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa tusaale usoo qaatay warmurtiyeedkii kasoo baxay kulankii labada hoggaamiye, kaas oo ahaa in dalalka midba midka kale uu ixtiraamo qaranimada, dhulka iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee uu mid kasta leeyahay.

Balse Prof Maxamed Ismaaciil Samatar oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in labada dal ay midoobaan, xagga iskaashigana waxa uu Cabdi Ismaaciil Samatar sheegay in marka hore ay tahay in ay ka heshiiyaan waxyaabihii dhex maray, lana dhiso kalsooni.

“Waxaa muuqda nin soo diyaargaroobay oo saaran faraskii Sayidka ee Xiin Finiin iyo qolo dhankeena ah oo baqalo saaran” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo dhaliilay heshiiskii ay gaareen labada dal, balse qirey in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in labada dal ay sameeyaan iskaashi dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, baraha bulshada ayaa loogu faaqidayaa hadalka Dr Abiy iyo heshiiskii uu la saxiixday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Aragti ahaane aad ayaa loogu kala qeybsanyahay waxa socda.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here