Home WARARKA Gobalka Mudug oo uu mid Ku soo hari Doono Puntland ama Galudug

Gobalka Mudug oo uu mid Ku soo hari Doono Puntland ama Galudug

225
0

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Muul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Xasan Maxamed Khaliif oo markii ugu horreysay ka hadlay Rajo uu rajo ka muujiyay in gobolka uu yeesho hal Maamul.

Gudoomiyaha ayaana Bogaadiyay wada shaqaynta Joogtada ah ee maaulada Galmudug iyo Puntland ee  si wadajir ah u shaqeynaya.

Xasan Khaliif, ayaana ka gaabsaday maamul usoo hari doona Mudug oo ay hada isku haystaan Puntland iyo galmudug, marar badane ku dagaalamay, wuxuuna xaqiijiyay wada shaqeynta ciidamada isku-dhafka ah ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo in ay wax badan ka badaleen amniga magaalada iyo guud ahaan gobolka.

“Gobolka Mudug oo dhan ayaa wada shaqeynaya, ciidamada hadda amniga ilaalinaya qabiil makala laha oo koonfur iyo waqooyi buu jira maleh…Waxaana filaynaa inan u gudubno gobolka Mudug siddii uu ahaan jirey inuu noqdo oo hal maamul yeesho oo bulshadu isku mid noqoto.” ayuu yiri, Xasan Maxamed Khaliif.

Ugu danbayn Magaalaa Gaalkacyo ayaa waxaa si wadajir ah ugu howlgala Ciidamo isku dhaf ah oo kakala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana bulshada ay u kala qeybsanyihiin koonfurta iyo waqooyiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here