Home WARARKA Salaada Ciida oo Hal Goob Mar Qura ku Wada Dukadeen Muslimiin Kor...

Salaada Ciida oo Hal Goob Mar Qura ku Wada Dukadeen Muslimiin Kor udhaafaysa 140 kun Oo Qof

179
0

Waxaa la soo sheegay meeshii ugu badnayd ee mar qur ah Salaada Ciida lagu tukaday Maalinimadii shlay iyada oo noqotay meel lama Filaan ah oo aysan dadka inta ka filanayn.

Goobta lagu tukaday Salaada Ciidul Fitriga ee ugu tirada badnayd adduunka ayaa waxaa loo aqoonsaday Magaalada Birmingham ee Caasimada Labadaad ee Britain.

Balaayiin qof ayaa u dabaal dagay munaasabadda ciidda Caalamka Oo dhan, Magaalada Birmingham ayaana noqotay meesha ugu badnaa ay isugu soo baxeen qaarada Yurub noqotay magaalada Birmingham ee dalka UK.

waxaana Qiyaastii ku dukaday magaalada Muslimiin kor udhaafayaa Illaa 140,000 kun oo qof, waana sanadkii 7aad ee sidan oo kale loogu ciido barxadan ku taala magaaladan.

Goobtan waxaa lagu magacaabaa GLMCC, waxaana laga helayaa noocyada kala duwan ee cuntada iyo badeecooyin kala duwan.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa xili dalalka Islaamka gaar ahaan kuwaeena Soomaalida ay Salaada Ciida udukadaan Jamaaco jamaaco, iyada oo Xaafadaha qaar lagu kala dukanayo Masaajida iyo Barxadaha, Halka ay mar qura wada Dukan lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here