Home WARARKA Qurbajoogta Oo weerar U muuqata Mid qorshaysan ku qaaday Dalalka...

Qurbajoogta Oo weerar U muuqata Mid qorshaysan ku qaaday Dalalka Carabta ee ka qayb galaya Koobka Aduunka

164
0

Soomaaliyay Dadka yaan lagu Xad Gudbin.!!!

Inta Badan Baraha Bulshada iyo meelaha Dadka iskugu yimaado gaar ahaan maqaaxiyaha looga faalooda Arimaha Xasaasiga ah ee taagan wakhtigaas, ayaa waxaa Todobaadkaan diirada lagu saaray qodobo dhowr ah waxaana ugu waynaa Cup ka Aduuka oo ka bilawday iyo Jidadka Muqdisho oo xiran iyada oo ay ciid tahay.

hadaan ka hadlo Aragtidayda ku aadan qodobka ku saabsan Koobka Aduunka ee ka socda Ruushka oo aan ku arkay Arin aan waayay Sababta ka danbaysa, uguna hadal haynta badneed taas oo ah hadii laysku soo aruurshi ku soo biya shubanaysa Carab Nacayb.

Ugu horayn waxaa Ka qayb galaya 32 dal oo kakala socda Daafaha Caalamka Cid walba waxa ay ku timid kartideeda, taatikadeeda iyo wax walbo oo ay ku gaari kareen halka loo wda ordayay.

Waxaa koobkaan Carab 4 koox oo 3 ka mid ah ay ka socdaan qaarada Africa, Saudi Arabia, Tunisia, Egypt, iyo Marco, Dalalka Tunisia, Marco iyo Masar ayaana ka socda qaarada Africa.
Dad badan waxaa laga haayaa markii Sacuudiga oo runtii Soo bandhigay Ciyaar Cajiib ah, balsa ay ku dhacday Guuldaro Wayn oo sababtay in laguna maadaysto, waxaa door adag ku lahaa Soomaalida oo si xun u bahdishay kuna jeexjeexaday Goobaha Dadka ku kulmaan, waxaana ka qayb qaatay dad caan ah oo uu ka mid yahay Amin Caamir oo ah artiistaha ugu magac dheer Soomalida, kaas oo ka sameeyay sawir bahdilad ah, oo xitaa ka baxsan kubada Cagta.

Dhanka kale Qurbajoogta Soomaaliya ayaa Arintaan ka cayaaraya Door waali ah iyaga oo si toos ah weerar ugu qaadeen dharka iyo dhaqanka Carabta oo ay ka mid yihiin Khamiiska oo ka ku jira SUNNADA NABIGEENA Maxamed NNKH.

Bal maxay naga sameeyeen ma iswaydiinay oo sidaa ugu Nacnay Jabkoodane ugu faraxnay?

Aniga Waxaan Hubaa in Dalka Sacuudiga uu ku bixiyo dalkeena Malaayiin Dollar, Miisaaniyada dalka halugu kabo Ama qaab Gargaar ha usoo gsho dalka, Waxaa waxbarsho Bilaash ah la siiyay Ardayda Soomaalida Qaar, iyada oo waliba halkaas lagu sii biilo.

Soomaalida Qurbaha Waxa ay inta badan ku cataabaan, ku qayla dhaamiyaan Xulalka Africa ayaan taageersanahay, bal maxay nagu sheegan karaan oo Abaal ah, Markaan dad ahayn Anigaa wax walbo usamayn jirnay Maanta intooda wax Gasha, waxa ay wax walba usameeyaan sidii ay dalkeena ugu Fuli lahaayeen Danaha Itoobiya Iyo Kiinya.

Qurbajoogoow Hadii laydin Cabsiiyay Suntii Iskuulada Europe iyo America Waa la soo dhaafay Xiligii aan Aain sanayn Qurbajoog aa idinka Ilbaxsan, waxaana idin fashilay markaa Xamar. hargaysa iyo deegaanaa kale ee Soomalida ku soo laabateen adinka oo 30 jir Gacmaha laga haaya ah, Magaalooyinka ku wareega Buumooyin.

Dooda dadka Neceb Dalalka Carabta Doodoodu waxay ku soo aruurtaa 30 xay natareen?

Nin xoolo shaqaystay haduu xoolahii wax ka siiyo iyo haduu kuu diido dambi miyuu ku leeyahay? misa lagu Colaadin karaa?

Qoraalka hadaa Argto oo ad iga fikir duwan tahay ka faaloo adiga oo mahadsan.

By: Mukhtaar Suudi
Ciidey@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here