Home WARARKA Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka oo sheegay in Gacanta ku dhigeen Garoonla Xudayda

Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka oo sheegay in Gacanta ku dhigeen Garoonla Xudayda

177
0

Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacxuudiga ayaa sheegay in Ciidamada dalka Yemen oo ay garab siinayeen Diyaaradaha Dagaalka ee isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hudaida.

Magaalada Xudeyda ayaa ah Magaalo muhiim ah oo ku taalla maringa ugu Muhiimsan dalka Yemen, waxaana ku taalla dekedda ugu weyn dalkaas.

Garoonka diyaaradaha ee Xudeyda ayaa dhaca koonfurta magaaladaasi, waxaana socda howlgal miino saaris ah,inkastoo dagaal xoog leh uu weli ka taagan yahay dhanka koonfureed.

Kooxda Xuutiyiinta ay taageerto Iran ayaa muddo 4-sano ah  maamulayey magaalada Xudeyda illaa hadda kama hadlin in laga qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Bishii hore ayaa waxaa Isbahaysiga Iclamiyeen Guluf Colaadeed oo ka dhan ah Xuutiyiinta Xudayda, waxaan shir jaraa’id ku sheegay Af-hayeenka u hadlay xulafadaas oo lagu magacaabo Kornayl Turki Al-Maliki isagoo uu ku qabtay magaalada Riyaad in “Xudayda ay haatan ciidamada xulufada ee halkaa hawlgalka ka wadaa ay u jiraan labaatan Kiiloo mitir”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here