Home WARARKA Daawo Kooxda Al-Shabaab oo bartamaha Magaalada Jilib ku soo bandhigtay dhoolatus ciidan

Daawo Kooxda Al-Shabaab oo bartamaha Magaalada Jilib ku soo bandhigtay dhoolatus ciidan

147
0

Dagaalamyaasha Al-shabaab ayaa Magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ku soo bandhigtay Cudud ciida oo ay ku muujiyeen Awoodooda Militari.

Subaxnimadii hore ee salaadda ciidda ka hor dadku waxay ku waabariisteen ciidamo aad u diyaarsan oo wata baabuurta dagaalka oo ku qulqulaya dhanka fagaaraha ciidda lagu tukado ee al-shabaab ay u yaqaanaan fagaaraha Macallin Aadan Xaashi.

Salaaddii ciidda waxa dadwaynaha tujiyay isla markaana khudbadda ciidda u akhriyay gudoomiyaha al-shabaab u qaabilsan gobolada Jubbooyinka Shiikh. Maxamed Abu Cabdalla.

Salaaddii kadibna dadka ayaa waxay daawanayeen ciidamada Al-shabaab oo iyagoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka soo bandhigayay Gaardis iyo Anaashiid Sawaaxili iyo Soomaali isugu jirta, Waxaana ka dhex muuqday dagaalyahano Kenyan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here