Home WARARKA Isku Aadka Horyaal Premier League Oo Lasoo Saaray

Isku Aadka Horyaal Premier League Oo Lasoo Saaray

165
0

Waxaa la soo saaray Isku Aadka Horyaalka Premier League-ga dalka Ingriiska ee xili ciyaareedka cusub, waxaana ku jira Kulamo ad adag oo ay ka mid yihiin Manchester City iyo Arsinal.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City ayaa kulanka ugu horeeya tijaabo adag kala hortagi doonta kooxda Gunners oo aan heysan 22-sano kadib tababare Arsene Wenger, waxaana iska hor imaan doona laba tababare oo u wada dhashay Spain kuwaas oo mar kasoo wada xamaashay horyaalka La Liga.

Manchester United waxey nasiib ku yeelatay iney kulanka ugu horeeya horyaalka ku ciyaarto fasal ciyaareedka cusub gurigeeda, waxeyna Old Trafford kusoo dhaweyn doontaa kooxda Leicester City.

Kooxda soo dalacday ee Cardiff City waxey la ciyaari doontaa Bournemouth halka Fulham ay Craven Cottage kula ciyaari doonto Crystal Palac.

KULAMADA ISBUUCA UGU HOREEYA:

Bournemouth v Cardiff City

Arsenal v Manchester City

Fulham v Crystal Palace

Huddersfield Town v Chelsea

Liverpool v West Ham United

Manchester United v Leicester City

Newcastle v Tottenham Hotspur

Southampton v Burnley

Watford v Brighton

Wolves v Everton

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here