Home WARARKA Dowlada Fedaraalka oo heshiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga la gashay...

Dowlada Fedaraalka oo heshiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga la gashay dowlada Denmark

182
0

Dowladaha Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Dowlada Denmark kaas oo ah Mid daahsoon oo aysan ka warhayn dadka soomaalida ah iyo kuwa dalkaas magan galyada laga siiyay.

Heshiiskan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa soo shaac baxay kadib markii xisbiga mucaaradka ah ee Bulshada iyo dib muqaraadiyada Denmark uu ku eedeeyay dowlada inay gashay heshiiskan ayna u baahan yihiin mucaaradka in la cadeeyo.

Afhayeenka Xisbiga Social Democrats ee dalkaasi, Mattias Tesfaye oo la hadlay Telefishinka TV2 ayaa sheegay in ay u baahan yihiin caddaynta ku aadan Heshiiskaasi, iyadoo aan la soconin Heshiiskaasi, isla markaana ay jiraan dad Soomaali ah oo si qarsoodi ah loogu celiyey dalka Somalia.

Hase yeeshee Wasiirada Arrimaha Socdaalka ee dalka Denmark Inger Støjberg ayaa Farriin E-mail ku dirtay ku sheegtay in heshiiska lala galay DFS uu yahay Heshiis Qarsoodi ah, waxayna diiday inay faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo Heshiiska qarsoodiga ee dadka Soomaalida loogu celinayo Somalia.

Qaar ka mid ah warbaahinta Denmark ayaa sheegtay inay heleen Dukumenti muujinaya Hrshiiska ay labada Dowladood gaareen, taasi oo lagu xusay in Soomaalida aan haysanin Sharciga Deganaanshaha Denmark in loo masaafuriyo dalkooda.

Heshiiska qarsoodiga ah ee galeen dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa ah mid afka ah waxaa uu dhigayaa in dalka Denmark ay Soomaaliya dib ugu soo celin karto muwaadinkii aan helin Dokumenti iyo aqbalaad rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here