Home WARARKA Wariyayaal Caan ah oo qaab qabiil ugu Olalaynaya in degmo loo aqoonsado...

Wariyayaal Caan ah oo qaab qabiil ugu Olalaynaya in degmo loo aqoonsado Garasbaaleey

321
0

Waxaa sii Xoogaysanaya Xiisada ka dhex aloolsan Maamul Sheegta in uu yhay degmo oo ka dhisan Duleedka Magaalada Muqdisho oo qayb ahaan hoos taga Degmooyinka Dayniile iyo Kaxda.

Ololahaan oo ay wadaan Wariyaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda hal beel ayaa waxa ay ku guuleesteen dhawaan in ay geeyaan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo ay hayb yihiin kana dhashay beesha Ololaha ka wada deegaanka.

Gudoomiye yariisoow oo la geeyay Goobta ayaa ka sheegay in uu ku faraxsan yahay Sara ukaca mandiqada deegaanka asiga oo aysan la socon wax Xubin ah oo ka socda Maamulka degmada Dayniile oo u aqoonsan in ay tahay waax ka mid ah waaxaha Degmada.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda deegaanka ay la kulmeen Gudoomiyaha degmada dayniile oo ay ku lee yihiin Maqaam Siyaasadeed, kana haysta Darajada Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Arimaha Siyaasada iyo Amniga.

Dadka sida wayn ugu Olaleeya ayaa waxaa ka mid ah Siyaasiyiin Caan, Agaasima yaal qaar ka mid ah Talafashinada Dalka iyo wariyaal Caan ka ah inta badan magaalada Muqdisho kuwaas oo U Abaabulan Qaab qabiil iyaga oo ku Noq Noqa ama ku digriya Degmada Garas baaleey.

Sidoo kale qaar ka mid warbaahinta Muqdisho oo u iibsan qaab qabiil ayaa si wayn kaga qayb qaadanaya Ololaha degmada looga dhigayo waaxda Garasbaaleey, kuwaas oo inta badan meel iska dhiga Oraahda Waaxda ee ay uga diiwaan gashatntahay degmada iyo Maamulka Gobalka iyaga oo ku badalay Oraahda kale ee ah Deegaanka taas micno ahaan ka turjumaysa in laga fogeeyo degmada ay ka tirsan tahay.

Ugu danbayn Gudoomiyhi hore ee Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa diiday in Garasbaleey ay noqoto degmo iyada oo ay qorsho noocaas ah ula yimaadeen Raga aan kor ku soo xusnay iyo qaar kale oo u abaabulan qab qabiil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here