Home WARARKA Nin Ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha Hawiye Oo Isku...

Nin Ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha Hawiye Oo Isku qarxiyay Baar-sangiini iyo alshabaab oo soo bandhigay Xogta Oo Dhan

158
0

Waxaa la soo bandhigay Magaca iyo Qabiilka  Dagaal yahan ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab oo isku qarxiyay Duleedka Magaalada Kismaanyo, oo maalmo ka hor isku qarxiyey xero ku taalla degaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Xerada ayaa waxaa degenaa boqolaal askari oo iskugu jira ciidamada Jubbaland, Kenya iyo kuwo Maraykan ah  oo Al-shabaab ka qabsaday degaanka Baar sanguuni oo 45-km woqooyi kaga toosan magaalada Kismaayo.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha codka al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu fuliyey dagaalyahan lagu magacaabi jiray Yuusuf Cumar Cali (Foorto) kaasoo ahaa nin 24 sano jir ah oo ka dhashay beesha Wacdaan Cusmaan.

Al-shabaab ayaa sidoo kale baahisay cod laga duubay ninkan weerarka ka hor kaasoo uu ku sheegayo inuu naftiisa u hurayo wax uu ugu yeeray dabar goynta cadowga ALLE sida uu yiri.

Saraakiisha al-shabaab ayaa sheegay in qaraxaas oo lagu fuliyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay xeradaas lagu dilay 50 askari, iyadoo ciidamada Jubbaland  ay dhankooda sheegeen in qaraxaas ay fashiliyeen uusana geysan khasaare weyn, mana jiraan warar ka madax banaan labada dhinac oo ka hadlaya khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here