Home WARARKA Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray oo Ka soo Hor jeesatay Go’aanka Abaye Ahmed,...

Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray oo Ka soo Hor jeesatay Go’aanka Abaye Ahmed, iyo Banaan Baxyo iyo maleeshiyaad Hubaysan oo laga soo sheegayo Gobalka Tigray (SAWIRRO)

275
0

Waxaa sii xoogaysanaya Dhaq dhaqaayada ka dhanka ah hadal dhawaan ka soo yeeray Ra\isul Wasaaraha Itoobiya Abay Ahmed ee ku aadanaa in uu Eretera ku wareejinayo dhul ay ku Muran sanaayeen Dowladaha Itoobiya iyo Eratareeya.

Jabhadda Xoreynta Tigray ee marka la soo gaabiyo Magaceeda loo yaqaano TPLF ayaa sheegtay in aysan qeyb ka noqondoonin heshiiska la sheegay in Eritrea iyo Itoobiya ee la xidhiidha wareejinta magaalada Baadhame oo ah magaalo ay kuy dhinteen Kumaam Kun oo labada dhan ah.

Jabhada TPLF oo ah mida dalka ka talinaysay Mudo dheer la aamin sanayahayne in ay Dowladi hore ayaga Gacanta ku hayeen ayaa si wayn kaga soo horjeestay Go’aanka Xukuumada Cusub ee Itoobiya, iyaga oo sheegay in Go’aanka uu yahay Mid dhaawaceyo dadka iyo danaha Qowemiyada Tigray.

Sida ay uu sheegay Wariye lagu magacaabo Tom Gardner oo ku sugan Magaalada Addi Ababa Gaar ahaan Finfinnee, una warama the Economist.

Sidoo kale waxaa jira Maleeshiyaad ka soo jeeda Qowmiyada Tigray oo lagu soo waramayo in qoryaha qaateen kuwaas oo ka soo horjeestay dowladda Cusub ee ay hor kacayso qowmiyada Oromada, waxaana Wadooyinka lagu aqkayaa Ciidamo qoryo wato sida uu soo sheegayo wariyae ku sugan Gobalka Tigray .

Qabiilada Tigray-ga ayaa wali sii wada banaanbaxyo ay ku diidan yihiin go’aanka Xukuumada Abiye Axmed uu ku wareejiyay magaala xuduudeeda Baadhame.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa go’aankii QM lahaanshaha u siisay Eritrea magaalada Baadhame aqbalay, is la markaasna sheegay in uu meel marinayo shuruud la’aan.

Tigray-ga ayaa ku kala qeybsan go’aanka Ra’iisal wasaraaha waxa ayna sabab u noqon kartaa in iyaga dhexdooda dagaal ka dhexqarxo todobaayada iyo bilaha fooda inagu soo haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here