Home WARARKA Afgaanistaan Ururka Taalibaan iyo Dowlada oo si isku mid ah u dhaqan...

Afgaanistaan Ururka Taalibaan iyo Dowlada oo si isku mid ah u dhaqan Galiyay Xabad Joojin lagu dhawaqay

40
0

Waxaa Dhaqan Gashay Xabad joojin socon doonta muddo toddobaad ah oo ay dhawaan ku baaqeen Culimada diinta dalkaas, taasi oo u dhaxaysa dowladda Afqanistaan iyo ururka Daliban ee dagaalka Xoogan kaga soo horjeeda.

Madaxwaynaha Dalka Afganistan Ashraf Ghani ayaa ku amray ciidamada ammaanka oo ay ka mid yihiin militariga in ay joojiyaan howlgada ka dhanka ah dagaaalyahanada Taliban.

Dowladda Afqaanistaan ayaa sheegtay in xabad joojinta aysan kala dhaxayn kooxaha IS iyo Al-qaacida.

Xarakada Islaamiga ah eeTaliban ayaa dhankooda sheegay in ay u hogaansamayaan xabad joojinta oo soconaysa saddex maalmood oo ah inta lagu guda jiro Ciidul Fidriga.

Balse ciidamada ajaanibta ee ku sugan Afqanistan ayaan qayb a ahayn heshiiskan.

Xukuumada Cusub ee Dalka Afqanistaan ayaa umuuqata Mid Doonaysa in ay ku xaliso Xiisada Xoogan ee kala dhaxaysa Ururka Taalibaan qaab diblomaasiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here