Home WARARKA Maamulka Galudug oo halis ugu jira in lagu kala dareero & kulamo...

Maamulka Galudug oo halis ugu jira in lagu kala dareero & kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Dhuusomareeb iyo Cadaado

144
0

Waxaa sii Xoogaysanaya Olalaha Iska Soo horjeeda ee Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Sare ee maamulka Galmudug, taas oo horay loogu guuldareystay in wax laga qabto, Madaxweynaha Maamulka iyo ku xigeenka ayaana hada ku kala sugan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa dhawaan Magaalada Cadaado ka furay Fadhiga xildhibaanada Galmudug, Waxaana la sugayay in uu furi doono Hogaamiyaha Maamulkaas.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa dhankiisa Magaalada Dhuusamareeb ka wadda qabanqaabadda Magacaabista Golaha Wasiiradda Galmudug oo la filayo in uu ku dhawaaqo Wakhtiyada ugu dhaw ee Nagu soo Food leh.

Xukuumaa Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa ka gaabsatay Wax ka qabashad, Khilaaf sii xoogaysanaya ee ka dhex aloolsan Madaxda Sare ee Galmudug, waxaana hadda u muuqataa in maamulka Galmudug uu labo u kala jabay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Xasir Gacal ayaa isku dhan waxaana ka soo horjeeda Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ay isku dhan yihiin Madaxda Xukuumaa Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Maamulka Galmudug ayaa Khilaaf ka bixi la’a waxaana horay xilka iskaga Casilay Madaxwayhii ugu horeey Cabdi kariin Xuseen Guuleed, oo xildhibaanada sheegeen in ay xilkaka qaadeen.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan Xaliyay Khilaaf soo kala dhex galay Madaxda Sare ee galmudug kaas oo ay xildhibaanada qaar ku eedeeyeen in ay ka dambayso duminta maamulka Dowlada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here