Home WARARKA Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Oo Soo bandhigtay Naqshada lacagta Cusub ee Dalka...

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Oo Soo bandhigtay Naqshada lacagta Cusub ee Dalka (Daawo Sawirada)

191
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo manta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Nashqada Lacagta cusub ee la qorsheynayo in la soo daabaco.

Lacagtan cusub ayaa la qorsheynayaa in lagu bedelo lacagta Kunka shilling ee 20-kii sano ee la soo dhaafay laga isticmaalay dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtan aan la daabacan karin, isla markaana ay tahay mid dahabi ah ayna leedahay muuqaalo kala duwan oo aan suuragal ka dhigeynin in la soo daabacdo.

Lacagtan ayaa isugu jirta 10,000 iyo 5,000 waxaa la sheegayaa inay jirto tirooyin kale oo ay yeelan doonto lacagtan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here