Home WARARKA Goobtii Sababtay in Xilka laga Qaado Godoomiuyhii hore ee Gobalka Banaadir oo...

Goobtii Sababtay in Xilka laga Qaado Godoomiuyhii hore ee Gobalka Banaadir oo la bur buriyay Daawo Sawirada

3792
0

Duqa Muqdisho ayaa markii ugu horaysay amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera oo ku dhow Ceelgaabta, taas o ahayd mid dan guud, waxa ayna burburun ka bilaabatay saakay si loogu soo celiyo sideedii hore.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdiraxmaan yariisoow ayaa kal hore Jiijiyay dhismaha goobtan, kadibna amray in baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha ee in aan la habayn karin dhulalka danta guud.

“Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, kaddib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, wuxuuna yahay weli mid dan guud, Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dowladda la bixin karin, iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here