Home WARARKA Daawo Sawirada: Ciidamada Maraykanka Oo Isaga Baxay Saldhig ay ku lahaayeen Deegaanka...

Daawo Sawirada: Ciidamada Maraykanka Oo Isaga Baxay Saldhig ay ku lahaayeen Deegaanka Baar Sanguuni

325
0

Wararka Naga soo gaaraya deegaanka Baar Sanguuni ee Duleedka Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in ciidamadii Marayknaka iyo, kuwa Maamulka Jubbaland ay isaga baxeen deegaankaas, kaddib weeraro Is xig xigay oo saacadihii la soo dhaafay Lagu qaaday.

Ciidamadaan Huwanta ah ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Baar Sanguuni la kulmayay weeraro xoogan oo kaga imaanayay Dhanka Al Shabaab oo horey deegaankaasi ugu sugnaa.

Goobh joogayaal ku sugan Deegaanka ayaa tilmaamay in ciidamada oo wata gaadiidkooda dagaalka ay qabteen dhanka wadada laamiga ee aada Gudaha Magaalada Kismaayo.

Ciidamadaan isgu jira Soomaalida iyo Maraykanka ayaa waxaa wehlinayay gawaarida gaashaaman, sidoo kale waxaa la arkayay diyaarado Helicoptero ah oo kor ka ilaalinayay.

Al Shabaab ayaa Jimcihii ku qaaday Weerar Xoogan oo khasaaro gaystay ciidamada Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka, waxaana weerarkaas lagu dilay askari Mareykan ah iyo ciidamo Soomaali ah,

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa la dareemayay Dhaq dhaqaq Ciidan oo ay wadaan Ciidamo Soomaali oo ay wehliyaan kuwa Mareykan iyo Kenyan ah, waxaana badankiisa ka socday deeganada Waqooyiga ka Xiga Kismaanyo oo ay ku xoogan yihiin Kooxda Alshabaab.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here