Home WARARKA War deg deg ah Qarax Ismiidaamin Ooo Goor dhaw ka dhacay Magaalada...

War deg deg ah Qarax Ismiidaamin Ooo Goor dhaw ka dhacay Magaalada Kismaanyo

117
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baar Sanguurni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa loo adeegsaday Gaari caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu galay dhaldhiga Ciidanka, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in qaraxaas la fashiliyey, uuna gaarigaas qarxay markii ay rasaas ku fureen ciidanka ilaalada ka ah xeradaas, iyagoo xusay inuu jiro khasaare kooban.

Al-Shabaab ayaa iyana sheegtay masuuliyada weerarkaasi ismiidaaminta ah iyagoo xusay in lagu dilay in ka badan konton oo askari, qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya qaabka uu qaraxaas u dhacay iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka wado agagaarka Magaalada Kismaayo, shalay ayeyna aheyd markii weerar ka dhacay duleedyada magaaladaas ay ku dileen askari Maraykan ah, qaar kalena ku dhaawaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here