Home WARARKA Sawiro laga soo qaaday qarxii Ismiidaamin ah oo ka dhacay Duleedka Magaalada...

Sawiro laga soo qaaday qarxii Ismiidaamin ah oo ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaanyo

168
0

Warar Dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay degaanka Sanguuni ee ku yaalla Duleedka Degmada Kismaayo.

Qaraxaan ayaa waxaa fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo kaxeynayay gaari Caasi ah oo la soo miidaamiyay, wuxuuna ku qarxay afaafka hore ee Saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen Sanguuni.

Saraakiisha ciidamada dowladda  ayaa waxa ay inoo sheegeen khasaaraha qaraxan ka dhashay inuu ku kooban yahay oo keliya ninkii gaariga kaxeynayay oo ku geeryooday, balse aanay jirin khasaare ciidanka ka soo gaaray qaraxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here