Home WARARKA Ra’isul Wasaare Khayre Oo Sheegay in Awooda Lagu Soo celinayo Gacanta Shacabka

Ra’isul Wasaare Khayre Oo Sheegay in Awooda Lagu Soo celinayo Gacanta Shacabka

75
0

Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb galay shir ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga madaxa bannnaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in shaqada dhabta ah ee guddiga ay xilligaan bilaaw tahay, loogana baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay kusoo gudbiyaan wadooyinka loo mari lahaa Doorashaa Madaxtinimada Dalka sanadka 2020.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim “Xaliio Yarey” ayaa ka hadashay nidaamka doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020, kaddib markii shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay Magaalada Baydhabo loo a isku raacay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod.

“Doorashada waxay noqon doontaa, doorasho xisbiyo siyaasadeed ku tartamaan, doorasho isu dheeli tiran, iyadoo la ilaalinayo habkii qabaa’ilka ee horay u jiray waa in xisbiyada siyaasadeed ay xafiisyo ku yeeshaan 9 Gobol”

sidoo kale waxa ay sheegtay in qofkasta uu dooranayo xisbi “Qofka xisbi ayuu dooranayaa ee ma dooranayo qofka deegaankiisa jooga, xisbiga codka uu helo ayaa loo qeybinayaa dadkaas oo dhan ayaa is matalaya, waana nidaam isku dheeli tiran”.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay danta kaliya ee laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah ay tahay in awoodda loosoo celiyo Shacabka iyo in qabiilka looga boxo Axsaab siyaasadeed, waxaas oo dhanna ay suuragal noqonayaan hadii Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranku uu guto waajibaadka ka saaran suura gelinta in dadka Soomaaliyeed ay codeeyaan.

“Waxaa lagu heshiiyay in 2020-ka in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Shaqada dhabta ah hadda ayey u bilaabatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Cudur daar dambe ma jiro. Waa in shacabka loo soo celiyaa awoodda”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Ugu dambayn Khayre ayaa shirka ka sheegay in la joogo xilligii madaxdu ka cabsan laheyd Dad waynaha oo ay ku shqayn lahaayeen rabitaankooda, waxa uuna ballan qaaday in xukuumadiisu fududeyn doonto dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howsha muhiimka ah ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here