Home WARARKA Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliima Yarey oo sheegatay Doorashada 2020...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliima Yarey oo sheegatay Doorashada 2020 ay noqon doontaa doorasho ay Xisbiyo ku tartamayaan

110
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim “Yarey” oo ka warbixisay nidaamka doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020, kaddib markii shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay Magaalada Baydhabo loo a isku raacay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod.

Gudoomiye Xaliima Yarey ayaa tilmaamtay in Dastuurka uu qorayo in afartii sano ay dhacdo doorasho qof iyo cod, balse aanay aheyn wax hada lagu heshiiyay, iyadoo xustay in shirkii Baydhabo ka dhacay lagu heshiiyay in la isla meel dhigo nooca doorasho ay noqoneyso.

“Doorashada waxay noqon doontaa, doorasho xisbiyo siyaasadeed ku tartamaan, doorasho isu dheeli tiran, iyadoo la ilaalinayo habkii qabaa’ilka ee horay u jiray waa in xisbiyada siyaasadeed ay xafiisyo ku yeeshaan 9 Gobol”ayay tiri Xaliima Yarey.

Waxaa ay sheegtay in doorashada ay barbar socon doonto howlo badan oo ay kow ka tahay sugida amniga deegaanada ay doorashada ka dhaceyso, habka doorashada oo ah qaab kuraas lagu tartamayo, isla markaana ay ka dhici doonto dhamaan magaalooyinka, isla markaana loo baahan yahay xisbi walba ee soo dhameystira shuruudaha inuu cododka ka helo magaalooyinka.

“Qofka xisbi ayuu dooranayaa ee ma dooranayo qofka deegaankiisa jooga, xisbiga codka uu helo ayaa loo qeybinayaa dadkaas oo dhan ayaa is matalaya, waana nidaam isku dheeli tiran”ayay tiri Xaliima Yarey.

Ugu danbayn Falanqeeyay yaasha Siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in doorashada 2020 ay ka horeyso howlo badan oo loo baahan yahay in la qabto, iyo in alshabaab laga saaro dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here