Home WARARKA FIFA Oo Ciyaartooy Soomaali ah Uqaaday Dalka Ruushka si ay uga qayb...

FIFA Oo Ciyaartooy Soomaali ah Uqaaday Dalka Ruushka si ay uga qayb galaan Koobka Aduunka

63
0

Ciyaartooy ka socota Soomaliya ayaa la soo sheegayaa ih ay tagayaan Magaalada Moscow ee Dalka Ruushka si ay uga qayb galaan Daawaashaa Koobka Aduunka oo dalkaas ka furmaya Maalinta Khamiista.

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ruushka u diray Sadex Ciyaaryahan Soomaali ah si ay usoo daawadaan Ciyaaraha Koobka Aduunka oo la filayo 14-ka bishan June ka furmo Ruushka.

waxaa la soo warinayaa in ay sharuudaha FIFA ka mid yihiin in ciyaartoyda Ruushka loo diray in ay da’dooda ay ka yar tahay 17-sano iyo in ay ka ciyaaraan booska difaaca.

Ciyaartoydan ayaa kamid noqon doona ciyaaryahano kala duwan oo daafaha caalamka laga keenayo wkuwaas oo loogu tala galay in ay daawadaan Ciyaaraha Koobka Aduunka.

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Cabdiqani Siciid Carab ayaa Tilmaamay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay kasoo codsatay sadex dhalinyaro ah oo kamid ah Ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliya.

“Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay qeyb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen Moscow, ujeedkana waxa ay tahay in dhalinyarada adduunka ka imanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan”. Ayuu Yiri Mr Carab.

Ciyaartoydan Soomaaliyeed ayaa inta ay Ruushka joogaan la filayaa in ay daawadaan qaar kamid ah Ciyaaraha Koobka Aduunka ee bilaabanaya 14-ka bishan , waxa ay sidoo kale ciyaartoydan inta ay Ruushka joogaan soo korarsan doonaan Khibrado dhinaca ciyaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here